Ku soo dhawoow blog-kan!
Hordhac
Dhaqaalaha iyo siyaasadda waa laba arrimood oo aan laga maarmin nolosha bulsho kasta. Waxaa jirta xiriir adag oo ka dhexeeya sida dowladuhu u maamulaan khayraadka iyo sida shacabka ama kooxaha kala duwan ee danaha leh u saameeyaan go'aamadaas. Cilmi-baarayaashu si ay si qoto dheer u fahmaan xiriirkaas, waxay horumariyeen waxa loo yaqaan political economy — ama dhaqaalaha siyaasadeed.
Political economy-ga wuxuu inaga caawinayaa in aan fahanno sababta ay dowlado qaarkood u gaaraan koboc dhaqaale halka kuwo kalena ay la daalaa dhacayaan saboolnimo iyo xasilooni darro. Wuxuu kaloo fure u yahay in aan fahamno doorka ay ciyaarayaan siyaasiyiintu, ganacsatada, shacabka, iyo xeerarka marka la eego isbeddelka dhaqaale.
Bloggan wuxuu si kooban u sharaxayaa waxa uu yahay political economy, muhiimadiisa, iyo sida uu u saameeyo dalalka sida Soomaaliya oo kale, gaar ahaan marka laga hadlayo horumar iyo dib u dhac dhaqaale.
Qodobada Muhiimka ah
- Qodob 1 Fahamka Aasaasiga ah ee Political Economy
Ereyga Political Economy wuxuu ka kooban yahay laba qaybood: Politics (siyasad) iyo Economy (dhaqaale). Marka labadaas la isku daro, waxay sheegayaan sida siyaasadda iyo dhaqaalaha ay isugu xiran yihiin uguna wada shaqeeyaan qaab dhismeedka bulshada, dowladda, iyo suuqyada.
Political economy waa cilmiga daraaseeya sida go’aamada siyaasadeed ay u saameeyaan dhaqaalaha, iyo sida dhaqaalaha uu u saameeyo siyaasadda. Waxaa la eega sida xeerarka, canshuuraha, kharashaadka dowladda, ganacsiga, iyo ilaha dhaqaale ay ugu xidhan yihiin awoodda siyaasadeed.
Tusaale Nolosha Dhabta ah:
Haddii dowladdu doorato in ay kordhiso canshuurta dadka hodanka ah si ay u maalgeliso adeegyada dadweynaha sida caafimaadka iyo waxbarashada, waa go’aan siyaasadeed oo leh saameyn dhaqaale. Sidoo kale, haddii dhaqaaluhu hoos u dhaco oo shaqo la’aani timaaddo, dadka waxay u badan tahay in ay codkooda siiyaan xisbiyada ballanqaada shaqo abuur — taas oo ah saamayn dhaqaale ku leh siyaasadda.
- Qodob 2: Qaybaha Kala Duwan ee Political Economy
1. Aragtida Dhaqaalaha Suuqa Xorta ah (Liberal Political Economy)
Aragtidan waxay aaminsan tahay in suuqa xor ahi (free market) yahay kan ugu fiican ee xallin kara dhibaatooyinka dhaqaalaha. Dawladdu waa in ay faragelin yar ku yeelato dhaqaalaha, si ganacsatada iyo dadka shaqeeya ay si xor ah ugu tartamaan suuqyada.
2. Aragtida Marxist Political Economy
Aragtidan, oo ka timid fikirka Karl Marx, waxay diiradda saartaa sinnaan la’aanta dhaqaale ee u dhexeysa dadka maalqabeenka ah iyo dadka shaqaalaha ah. Waxay sheegtaa in nidaamka suuq xorta ahi uu kordhiyo faqriga iyo cadaalad darrada, iyadoo dowladdu ay tahay in ay wax ka beddesho nidaamka si loogu dhawaado sinnaanta.
3. Political Economy ee Caalamiga ah (Global Political Economy)
Qaybtani waxay eegtay sida dhaqaalaha adduunka iyo siyaasadaha caalamiga ah ay isugu xiran yihiin. Waxay falanqaysaa ganacsiga caalamiga ah, ururada sida IMF iyo World Bank, iyo saameynta siyaasadeed ee waddamada hodanka ah ku leeyihiin kuwa saboolka ah.
Gunaanad: Maxaa Laga Baranayaa Political Economy?
Fahanka Political Economy wuxuu naga caawinayaa in aan si qoto dheer u fahamno:
-
Sida go’aamada dowladda u saameeyaan nolol maalmeedkeena.
-
Sida dhaqaalaha iyo siyaasadda u wada shaqeeyaan.
-
Maxaa sababa in waddamo qaar ay kobcaan, qaarna ay dib u dhacaan.
-
Sida nidaamyada siyaasadeed ay u beddeli karaan suuqyada iyo shaqo abuurka.
Marka la isku daro, Political Economy waa qalab muhiim ah oo lagu fahmi karo dunida maanta, gaar ahaan meelaha ay sida weyn iskugu dhex jiraan arrimaha dhaqaale, siyaasadeed, iyo bulshada.
Comments
Post a Comment