E-commerce (short for Electronic Commerce), af Soomaaligana lagu macneyn karo "Ganacsiga Elektarooniga ah" ama "Ganacsiga Internet-ka", waa hab ganacsi oo lagu kala iibsado alaabo iyo adeegyo iyadoo la adeegsanayo internet-ka.
Tusaale ahaan, markaad online ka iibsato dhar, telefoon, ama buug – taas waa e-commerce. Waxaad u baahan tahay kaliya telefoon, internet, iyo meel lacagta lagu bixiyo sida kaarka bangiga ama mobile money (e.g. Zaad, EVC, Sahal).
Noocyada E-commerce-ka
E-commerce waxa uu leeyahay noocyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin:
-
B2C (Business to Consumer):
-
Shirkad ayaa si toos ah ugu iibisa badeecado ama adeegyo macaamiisha.
-
Tusaale: Amazon, Alibaba, Jumia.
-
-
B2B (Business to Business):
-
Shirkad ayaa u iibisa badeecooyin ama adeegyo shirkad kale.
-
Tusaale: Shirkad jumlo ah oo alaab siisay dukaamo yaryar.
-
-
C2C (Consumer to Consumer):
-
Dad caadi ah ayaa iska iibsada alaabooyinkooda iyagoo isticmaalaya bogag ama apps.
-
Tusaale: Facebook Marketplace, OLX, eBay.
-
-
C2B (Consumer to Business):
-
Dad caadi ah ayaa u soo bandhiga shirkad adeeg ama badeeco.
-
Tusaale: Qof freelance ah oo website u sameeya shirkad.
Faa’iidooyinka E-commerce-ka
-
24/7 Furan: Macaamiishu waxay wax iibsan karaan wakhti kasta, maalmo shaqo iyo maalmo fasaxba.
-
Meel kasta ayaad ka iibsan kartaa: Waxaa suuragal ah in aad ka dalbato waxyaabo meel fog adigoo gurigaaga jooga.
-
Kharash yar: Ganacsatada waxay badbaadin karaan lacagta kirada iyo shaqaalaha.
-
Xulashooyin badan: Macaamiishu waxay helayaan alaabooyin badan oo kala duwan.
Caannimada E-commerce-ka Soomaaliya
E-commerce ayaa ku sii fidaya Soomaaliya sanadihii u dambeeyay, iyadoo dad badan ay bilaabeen inay internet-ka ka iibsadaan alaabo ay ka mid yihiin dharka, qalabka korontada, cuntada, iyo adeegyada digital-ka sida buugaag, barasho online ah, iwm. Waxaa kale oo jira ganacsato yaryar oo billaabay in ay suuq-gayn iyo iib online ah sameeyaan iyagoo isticmaalaya Facebook, WhatsApp, iyo TikTok.
Gunaanad
E-commerce waa mustaqbalka ganacsiga. Maanta, haddii aad leedahay ganacsi, waxaa muhiim ah inaad ka fikirtid sida aad online ugu iibin karto alaabtaada ama adeegyadaada. Sidoo kale, haddii aad tahay macaamiil, e-commerce wuxuu kuu fududeynayaa inaad si dhakhso ah oo raaxo leh wax uga iibsato meel kasta oo dunida ka mid ah.
Linking ka daawo xoog dhameystiran E-commerce (620) WAA MAXEY E-COMMERCE | SIDEE U BILAABI KARTAA - YouTube
Comments
Post a Comment